Gabay: Dacwad baan ka leeyahay
..................................................................................................................
Heshiiskii Iligdaldala markuu dhacay ka dib ayaa gumaysiga. Ingiriisku warqad u soo diray Daraawiish,wuxuuna ku yidhi: Mar haddii waanwaan iyo heshiis nabadeed ina dhex maray taliska Ingiriisku Daraawiish wuxuu weydiisanayaa sadex Hal
Midda Koow geeli Daboolane ee Daraawiish degmada Habaryonis ka dhacday inaad waxuun ka soo celisaan!
Tan labaad nimanka dabatada ah,oo Nugaal sare fadhiya oo dad iyo duunyaba mahoobbiyey,col iyo gaadeba inaad naga celisaan
Tan saddexaad,warsangeli wacad iyo heshiis baa na dhexmaray,markaa ka daaya Daraawiishta aad ugu yeedhaysaan
Daraawiish markii hadalkaas loo keenay waxba kama gilgilan danina waa seeto, waxay yiraahdeen, 1)Midda hore xoolihii daraawiish lagaga dhacay meesha la yiraa caado dabadeedna Burco la keenay noo celiya 2) Midda labaadna doonidii aaannu dabka u dirsannay Ciise dhoollawaana rubbaanka u ahaa oo aad baddaas ka qafaalateen,iyadii iyo wixii saarnaaba noo celiya oo aan sidaa wax isku weydaarsanno. Doodaas darawiish Ingiriisku waa ku gacan sayray,wuxuuna marmarsiinyo ka dhigtey "xoolihii Caado laga dhacay Ogaadeen baa dhacay,Ogaadeena amxaaro buu la jooga, Doonnidana talyaani baa qafaashay,talyaani qareen uma aha Laba doodood ee Ingiriis soo jeediyey Daraawiish ma garowsan .Sayidkuna masafo dheer oo uu ku caddaynayo inuu Ingiriisku musuqmaasuq wado buu mariyey ,waana tan
Ogaadeen ha ii dirin.dacwad baan ka leeyahay
Duul haad Amxaaraa,kaa dooni maayee
Wuxuu aniga iga dilay,diyo hayga siinnine.
Doofaar inuu yahay, anigaa u diin lehe
Amba waa ku daba geli, dakanka iyo qaankee
Dirhan haddii aan kaga tago, anaa been dabaadehe
Waxaan kaa dalbahayaa,duunkaagu wuxuu qabo
Intaad dawladduu tahay, adigaw damiinshe
Ma waad diidi nimankaad,dumataye i soo dhacay
May dowga caadood,galbeed uga dareershaan
Dalkaad adigu joogtiyo,Burca maxay ka dooneen
Dar alliyo heshiis iyo,ma daawaad lahaydeen
Mase waa dayoobeen,doqon baa habowdee?
Dabadeedna sow maalkii,dacalkaaga kuma shuban?
Sow daabacaagiyo,daftarkaaga kuma qiran?
Sow duhur dharaareed,dibnahaaga kama qiran?
Sow sida dameer raran,dusha kaama fuushaana?
Miyaan duudsiyaayaa,kulaan Dabacayuun helo?
Haddaad daacad ii tahay,doodaye maxaad oran?.
Dafir miyuu wax kuu tari daliilkii ku siiyaye?
Doonnidii ma aan arag, dacwad baan ka leeyahay
War maxaad durduradiyo,dan la'aanta ugu dhiman?
Hadal aan dawo lahayn,sow kama diqootaan?
Dakhalkiyo shiraaciyo,badda yaa u dowlada?
Talyan waa dadkaagiyo,daayiciin aad wadataa
Haddii aanad duqlaalayn Dannood sooma aadeen
Diraac doollo iyo ciid,duullan kuma yimaadeen
Diigaanyo ciidana,darka nooma keeneen
Dildillaaca waaberi,weerar naguma daacsheen
Durqun nama dhex joogine,adaa hiil ka daalibay
Adigaa durraamiyo,docogaysi ula tegey
Adaa yiri Daraawiish,dirirteeda ii raac
Asna diradirayntaada,iga deyso kuma odhan
Intaad dacatiyaysana,sow kulama daalayn?
Sow dab iyo xooliyo,daabbad kuguma caawinin
Sow daraaddii kuma imaan,Hobyo wixii ka soo degey?
Sow duubcaddaydii,raggii dooxay ma ahayn?
War nin shalay damiinyahow,igu dilay daraaddaa
Berri haddaydnu dirirrana,dusha iga wareentayn
Daawadayda maahayn,ma ku dayrsamaayaa?
Durruflayda gaalaad,adaa daaqsanaayee
Miyaan kala deyaayaa,adiga iyo deriskaa
Warsengeli doc uga bayr,dacwad baan ka leeyahay
Mar hadday ku doortaan,isku diirad miihine
Dabcigaygu ma oggola,nin kuu daalasayee
Daraawiish hadduu yahay,sidee doc uga leexdaa?
War daarood ismaaciil,dir miyaad wadaagtaan?
Durriyadii adoogay,miyaad iigu duurxuli?
Sow deero iyo cawl,doraad adigu kama dhigin?
Sow dukaamadoodii,daarahaaga kuma guran?
Sow doonyahoodii,dookhaan naara kuma ridin?
Sow dooro weynow,ma deldelin raggoodii?
Inay kuu dudaayaan,sow maba dareensanid?
Inaad dooc lillaynayn,diyaar kuu ogaaddee
Dikrigiyo shareecada,labadaad ka duudiye
Durdurkii firdowsiyo,jannadaad ka daahiye
Darbaddii cadaabkiyo,dukhaankii baad ku tuuriye
War inaad dagaysana,sow dareemi maayaan?
Ma ku diirsanaayaan,deelqaafkan aad tiri?
Dumarkii ma furayaan,xilihii dalaaqee?
Geela soo dareerina,dacwad baan ka leeyahay
Anigaba dunqaariyo,dacataa i gaaraye
Dibirrootigaaga,lawyada i diiraye
Qayradii daruurrayd,adaa damug ka siiyaye
Dulbixii Gallaadiyo,dudmaa ii horreysaye
Daa'imaan wax garannine,digniin iim laabnee
Dabarka ciise lagu xiray,anaa laygu dooniye
Degdeg haddaan looga furin,dunidaa ifsaadiye
Dantay baan la yeeraye,yaan laygu diimine
Deeqi igama juustee,wax ma kala dillaalaa?
Dabatada aad sheegtana, dacwad baan ka leeyahay
Oo wixii inoo dana,durba maysu yeellaa?
Mase ways daboolnaa,nin dulmiyan allaa oge?
Adigaa dulleeyoo,duunyada ka qadoo
Adaa degalladoodii,digaxaarka mariyoo
Diinkiyo dugaaggiyo,adaa duufka siiyee
Intaasoo darxumadaa,adigaa u diiqaye
Hadday daqaqamaanoo,wuxuun kaa danqaabaan
Oo waxaan dux gelinayn, duleeddada ka xaabaan
Iyagaba dan gaajiyo,diihaal baa u geeyaye
Anna haygu diga gubin,adiguna dan haw gelin
Dayib haddaadan oranayn,dabuubtaan ku leeyahay
Oo doxorayaashii,been kugu dakhaakhuli
Bal inaan dugsuu ahay, amaan idin ku soo diray
Hadii aadan danbaabayn,daahir marag ah soo taag
Gabay: Boga Daawad
-----------------------------------------------------------------
Niman badan oo Warsangeli ah Maxamud cali shire na madax. u yahay ayaa Sayidka maxamed xoolo fara badan siiyey oo geel fardo iyo ariba leh, dabadeedna is-afgaranwaa ayaa ka dhex dhacay,waana kala boodeen,dareenna waaba kala galay!" Dabadeedna degmadii xaruntii ka guureen oo waxay tageen buura Calmadoow,Daraawiishna,qabuulse lagama helin. Daraawiish waxay guddoonsatay hadday ka tashadeen inay dadkii iyo duunyadey la tageen ka soo ceshadaan waxase isku gudbey oo fardihii u mari waayeen buurihii Caleed iyo togag aan laga tallaabi karin.Daraawiishi waxay qabeen geela iyo fardaha ninna in aanu yeelan karin ee ay rag oo dhan ka dhaxeeyaan, hase yeeshee xilligii guga markay ahayd oo degmadii soo feddabaxday ayaa Daraawiishii geelii gacanta ku dhigtay, dabadeedna ku digasho darteed ayaa Sayid Maxamed gabay gaaban u mariyey waxuu yidhi:-
Bogadaawad waataan lahaa,bari ka soo dhiibe
Waataan bidhaan quruxsaney,soo bojooy iriye
Waataan baadi celiyoy lahaa,yeeyan baylihine.
Barbar uga du' waataan lahaa,buurta yey korine
Waataan banuu diid lahaa, yeeyan baalidine
Waataan bad kuma caymatee,soo barrooy idhiye .
Boholyowga Hawd bay durduro,budulka raacdaaye
Ballishiil kaliishay tagtaa, biliqda dayreede
Kobta ariga beeduhu degey,kor uga baaddaaye
Banka waa ka carartaa sidii,gan iyo buubale
Baqoolaa hadhkii bay sidii,badalli roortaye
Biciidkey ku darantaa sidii,bahal ugaareede
Bicil faraq ku yaal bay tiqiin,baariga u saare
Hareeriga ka baxay foocyadey,baaca gelisaaye
Sida geriga beryaha ah bay, bucusha laacdaaye
Bilbilaha mareedh caarley,baraqda daqdaaye
Barqamaaga geyraha baxay,balaga goysaaye
Caleen baacday tuurfaahistey,bulush cantuugtaaye
Bisiq hamasha buuniga dharjada,udug buuracowga
Burdad ubax leh baar iyo uneex,baqas ku fuuraaga .
Bunta waran barraajistey,balala qaadaaye
Bakadaha iyo xiitoolahay,banan u raacdaaye
Burca toon leh bacad ciidle bay,bara hoyaaddaaye
Intaasey ku baayiri,jirtoo baashi ku ahayde.
Baran mayso meeshaa degtaan,boqol Alluu-naarye
Bog qalluudan beer godani waa ba'iyo hooggeede
Ka soo bixiya waataan lahaa, baalcadii Gubane .
Jiilaal barraahsaday hadday,bila ku soo oonto
Badowlahada waataan lahaa, baara haw horine
Balxis geeya waataan lahaa, wey baduuxsamiye.
Bilcataabihii iga xadaan,uga baqaayaaye.
Waataan baatriteedii lahaa, buurka yay tebine
Hal ma bededo waataan lahaa, beeya-gurihiiye
Waataan ku iri hayga bixin,barqab baa dhalaye
Ka bariiya waataan lahaa,beydda yuu jarine.
Bushuma aan run lagu oran waa,lagu beloobaaye
Waataan bahdaa yay ku lumin,kuula baashiraye
Waataan bad baan kugula dhici,baane kuu iriye.
Bih-ina-faatax biixida jabtaan,baani kabihayne
Awel bay badaawidu galeen, bohol Walwaaleede
Macayeedna buufamehey,badaha raaceene.
Adigana baroor bay indhuhu,kula basaaseene
Bulxankeeda olol ba ka roon,adiyo beeggaaye
Haddaad haatan biixida wadheen,bag iyo haankiinna.
Gabaygan tariikhdiisa Soomaalidu aad ayey u taqaanaa. Waa dagaalkii dhexmaray Daraawiish oo dhinac ah iyo Majeerteen iyo Warsangeli oo dhinac ah oo ay kala hogaaminayeen Maxamuud Cali Shire iyo Boqor Cismaan, siday u kala horeeyaan.
Alle ha u raxmee Sayidku wuxuu yidhi:
- Nimanyahow dabuub gabay baryahan uma dadaalayne
- Wax idaaray mooyee xalaa laygu soo dagaye
- Aan dabiibto gabaygaygu waa dab iyo baaruude
-
- Unkad dirigriglayn baan ahiyo dirirta cawleede
- Daad soo rogmaday baan ahoo dooxadii yimide
- Aan durduro dabaal baan ku mari Doollo ii xidhane
-
- Dayax iyo shamsaan ahay haddaan lay dafirahayne
- Gudcur dam ah habeen dumay cirkoon dacal ka nuuraynin
- Ma danyado talaabada haddaan dawga marayaaye
-
- Dugsi haddaan la galin dhaxanta waa lagu duloobaaye
- Dabaylihiyo fooraa la tegi daar waxaan galine
- Deyrodhaafyadaan shidahayaa dogobyo waaweyne
-
- Dubaax ma aha xaajada midaan diirka ka cadayne
- Diirsimo halkii aan ahayn waa siddii danafe
- Waxa dunida qaarkeed ka dhacay dood aan ka idhaahdo
-
- Daayimow Allahayoow adaan dunida moogayne
- Daandaansi ina-aadanaa loogu dawgalye
- Deyn nimaan ka qabin buu nafluhu daba galaayaaye
-
- Haddii nalagu soo diray khalqiga Dir iyo Daroodba
- Warsangali haddii uu dunjigii diricyo soo qaatay
- Dashiishiyo Majeeteen haddii deexda laga keenay
-
- Guutada lasoo dumay haddii nalagu soo duushay
- Wax lasoo dadaanshaba haddii nala dul garriishay
- Dildilaaca waaberi hadii nalagu sii daayey
-
- Annagoon digniin qabin haddii nala dreensiiyo
- Digta weerar qoobkii hadday dininigtii yeedhay
- Dooyada uluufta ah hadday Daalo kor u dhaaftay
-
- Qaylada daluunta ah haddii nala dareensiiyo
- Degdeg inaan usoo rooro waa dawlad alabkeede
- Ma dul keennay kuman duub cadoo wada Daraawiish ah
-
- Dirki hadduu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu
- Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageene
- Diigaanyo ciidan ah miyaan daafta kala raacay
-
- Sidii aar daloombiyi markaaan ugu dinaahyeeyey
- Dullihii shareerraa markuu dibawga jiidhaayey
- Daanyeerku meeshuusan marin dani ma jeexsiisay
-
- Denbi ma leh cadaawaha ninkii deli ka xooraaye
- Darajuu Ilaahiis ka heli labada daroode
- Dubku iima naxo nimay kufriga deris wadaagaane
-
- Ferenjiga direyska leh kuwii diirada u qaaday
- Iyaguba dariiqada Alliyo diinta caasiye e
- Waxay noo duleedsheenba waa doora-weynaha e
-
- Dulmigaan banaanayn kuwii doofil ugu hiishay
- Haddaan daayo waa aniga oo daawadii furaye
- Danabkii rasaaseed miyaan diillin kaga yeelay
-
- Dareemada ka badan meydka yaal didibta buureede
- Dhiigoodu sida doogsin roob waysagii duxaye
- Dugaagii hilbaha quudan jiray loo dayaafadiye
-
- Nimanyahow af laba daan leh baan muranka deyneyne
- Daleelaha cidlaa lagama shubo hadal daleeleede
- Ma duqaynay Reer Bari wuxuu doonayuu helaye
-
- Aniguba dilkoodaan ku helay libin daboolayde
- Daa'irada Eebiyo markii deeqa nala siiyey
- Ma dabaaldegiyo muufahaa duhur la gaadhsiiyey
-
- Duca awliyaad buu qabaa degaha Tuurwaaye
- Waa niman gaalada deldala doog iyo abaare
- Waa nimanka doofaarradii daariguu jaraye
-
- Roobkiina waa kaa u da'ay duraha jiilaale
- Waa kaa dalkoodii ballidu wada duraabtaaye
- Waataa arladii daahirtee diib kasoo kariye
-
- Cawskii dumaayoobay baa doog kasoo baxaye
- Dalagyadiyo dooxooyinkii diisha iyo qaare
- Dunqaarihiyo xamshkaa sidii diriq la moodaaye
-
- Maalkii diraacdii dhalaa doobke loo culane
- Duunyada wxa laga maalayaa darartii caanoode
- Rabbogii dawaa'iga sidaa deeqii noo ridaye
-
- Afartaa dujaye bal aan mid kale deelka ka higaadsho
- Aan dabeebti eegana halkay damacday laabtaydu
- Dacwad kalana waa Ina-Mashire hadal aan deeqsiiyey
-
- Aday deyrshay maantaan ahaa duri xigaalkaaye
- Adigay dafiray sidii anoo duul shihseeye ahe
- Waa taynu dersinaye adaa daawadii furaye
-
- Doolaalo adigowgu tegay gaalka duufka lehe
- Adigaa dariiqada Alliyo diinta caasiyaye
- Goortaan ku daayana adaa diiday nabadiiye
-
- Wax dhaaxaan dadaalkaa u maray celi cidhiidhyoone
- Wax dhaaxaan dunqaaraha lahaa dib uga soo jooge
- Maantaa dubihii kugu dhacaye duxi ha kaa raacdo
-
- Waadiga dagaagaye sidii dalow u meertayso
- Ama deyrka xidho waa taqaan dabin Inshaalleeye
- Ama doofil qabo caydhi waa diifta kugu taale
-
- Ama quud dulleeddada ka xaab dereg haddaad weydo
- Ama daaliboo bari inuu kuu dawaro uunku
- Ama duunyo raac noqon cidlaa kaaga sii darane
-
- Ama doonyihiyo saaxiliyo Cadan dillaaleyso
- Ama dooy u dhoofoo u carar dal aan la gaadhaynin
- Ama dirkiinii carshiga dogobbadda u raaro
-
- Ama duurgal iyo tuug iyo dagati uun dhawro
- Ama dabada gaal baad tahaye dacay ha kaa saarto
- Ama doora-weynoo baqdaye dirir us oo joogso